DHAGEYSO COD: Xogta ciidanka oo la ilaalinayo iyo wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa cadeeyay in Siyaasad cad loola iman doono ciidamada taasoo ilaalin doonta xuqooqdooda ayagana looga baahanyahay inay ilaaliyan shaqadooda.

Wasiirka ayaa cadeeyay in hadda waxii ka dambeeya aysan jiri doonin sir ciidanka u gaar ah oo lalal wadaago dad kale taasoo uu ku sheegay inay muhiim u tahay istaraatijiyada ciidamada iyo hab dagaalka looga adkaanayo Al-shabaab.

Sidoo kale C/rashiid ayaa sheegay in xogta wasaarada Gaashaandhiga ay muhiim tahay in la dhowro oo sirtaciidanka in la ilaaliyaa ay aad u wanaagsantahay.

Waxaa uu dhanka Saraakiisha kula dardaarmay inay ka foojignaadaan inay isaga dhawaaqaan dagaal taasoo uu ku sheegay inay u baahantahay taxadar.

Halkaan hoose ka dhagayso wasiirka hadalkiisa