Waxaa soo baxaya warar isa soo taraya kuwaas oo ku saabsan qaab dhismeedka ciidamada isku dhafka ee Qorshaha qaab dhismeedka ciidamada Qaran ee Soomaaliya.
Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qaab dhismeedka ciidankaasi yeelan doonaan ayadoona muran badan dhalisay arinta ku saabsan qaab dhismeedka ciidanka.
Sidoo kale Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa Todobaadkan Mooshin ka gudbiyay Hannaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka, waxayna ka soo horjeedaan qaabka la doonayo Ciidamada in lagu dhiso.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay qaabka loo fahmay dhismaha Ciidamada Qaranka in aysan aheyn laakiin hadda inta diyaarka loo yahay ayaa ah inta la qorsheeyay in tobabar loo furo ayaa saas ah , balse ciidanka Soomaaliya waa sidiisi dhan walbana laga dhisi doono ciidanka, Kumaandoos militari, Boolis, ciidanka difaaca cirka, asagoo sheegay in arintaani ay tahay xasaasi oo bulshada in lala socodsiiyana ay muhiim tahay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay Dowladaha caalamka in ay ka heleen balan qaad ah in ay u tababarayaan Ciidamo gaaraya 18,000, Dowladdana ay saxiixday heshiiskaasi, laakiin taasi micnaheeda uusan aheyn in Ciidamada Soomaaliya lagu soo koobayo 18,000 oo Askari.