Galmudug oo sheegtay in la isku mari waayay wadahadalkii u socday Ahlu-Sunna iyo Galmudug ( Sawiro )

Sida wararka lagu helaayo waxaa fashil ku yimid wadahadaladii u dhaxeeyay maamulada Galmudug iyo Ahlu-Sunna kaasoo ayaamahan uga socday magaalada Muqdisho.

Wadahadalkii ay lahaayeen labadaas maamul inuu burburay waxaa cadeeyay guddiga maamulka Galmudug u xil saaratay inay u matalaaan wadahadalka.

Shir jaraa’id oo goor dhow Guddiga Galmudug ku qabteen ayay ku shaaciyeen inuu gebi ahaanba istaagay wada hadaladaas, isla markaana ay sii wadanayaan wixii hada ka dambeeya howshooda doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug, ahna Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali ayaa sheegay in dhinaca Ahlusuna ay wax ka socon waayeen.

“Wada hadaladii waa istaageen, dhowr kulan oo aan galnay anaga iyo dowladda meel fiican isla gaarnay, waa nala soo dhoweysay, laakiin Ahlusuna ayay wax ka socon waayeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu dhowr jeer isku dayay in dadaalo looga mira dhalinayay wada hadalka, balse ay ka dhega adeegeen Ahlusuna, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay ku wargelisay in Ahlusuna dhankooda wax ka socon la’yihiin, sidaas darteed maamulkooda ay ku dhaqaaqayaan howshooda ah doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 30-ka bishan.

Ahlusuna ayaa watay qodobo dhowr ah oo shuruudo, sida in marka hore iyaga lagu soo biiro, in xilal laga siiyo dowladda federaalka, in Baarlamaanka Galmudug xubno ku yeeshaan iyo shuruudo kale.

Kaliya waxaa naga xigo maalma yar waqtigii loo qabtay inay doorashada madaxtinmada maamulka Galmudug ay dhacdo waxaana lagu balansanyahay bishan 30 keeda.