Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya Ugu deeqday $ 10 milyan oo doolar

Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan $10 milyan oo dollar ayaa waxaa ay ku wareejisay hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

Deeqdan oo loogu tala galay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu iibin doono cunto iyo sidoo kale dawooyin ay u baahan yihiin dadka abaarta saameysay.

Wasiirada Arimha Gargaarka iyo hortagga Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa uga gmahad celisay dowladda Chine garab istaaga ay u muujiyeen umada Soomaaliyeed oo xiligan Abaaro ba’an soo foodsaareen.

©Goobsan  Media