Jeneral Gabre oo ku eedayay madaxweyne Farmaajo inuu bahdilaad ku sameeyey saraakiil Itoobiyaan ah

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maalin kahor booqasho ku tagay magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan.

Sida lawada dareensanyahay madaxweyne farmaajo ayaa bilaabay inuu kula dhaqmo Itoobiya siyaad xirxiran taasoo laga dareemi karo bahdilkii shalay uu kula dhaqmay saraakiisha Itoobiyanka ah ee ku sugnaa Magaalada Baydhabo.

Sida Wararka aan ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday in kulamada uu la lahaa Madaxda Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha ciidanka dowlada ay kaalin muhiim ah ku yeeshaan saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Byadhabo uu ku jiro Generaal Gabre oo horey saameyn badan ugu dhax lahaa siyaasada dalka iyo kulamada dhacaya.

Generaal Gabre oo ka carooday bahdilka markan lagu sameeyay isaga iyo saraakiisha kale ee Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo in uu ixtiraami waayay saraakiisha iyo Ciidanka Itoobiya ee jooga Baydhabo.

Qoraal kooban uu Generaal Gabre soo dhigay bartiisa Twiterka ayuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha uusan ixtiraam u muujin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

“Madaxweynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo” Ayuu ku yiri Qoraal uu Twiterka soo dhigay Generala Gabre.

Generaal Gabre oo ah Sargaal Itoobiyaan ah ayaa saameyn weyn ku dhax lahaa Siyaasada dalka Dowladihii ka horeeyay tan hada jirta, waxa uuna ka qeyb gali jiray inta badan kulmada ka dhaca gudaha iyo dibada ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya.

Waxaan kaloo meesha ka marnayn in carqaldaynta howlaha dowlada uu qayb wayn ka ahaa Jeneral Gabre tan iyo burburkii dowladii awooda lahayd ee Soomaaliya.