Waxaa wali magaalada muqdisho ka socda wadahaladii u dhaxeeyay maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna kaasoo ay dowladda Federalku garwadeen ka ahayd, waxaana lasoo sheegayaa in wadahadalkaan ay isku mari la’yihiin labadan maamul waxaana ay u muuqataa in dhanka Ahlu-sunna ay xaaladu ka cakirantahay.
Sida caadiga ah waxaa soo idlaaday waqtigii loo balansanaa in wadahadalka lasoo gabagabeeyo ilaa iyo haddana wax muuqda la iskuma af-garan taasna waxaa lagu sabababeeyay maamulka Ahlu-sunna oo wata sharuudo adag oo ay la yimaadeen madasha shirku ka socdo.
Wasiirka Amniga Galmudug Cusmaan Ciise Taar-Dhuleed ayaa ku eedeeyay Ahlusuna inay diidan yihiin jiritaanka maamulkooda, isla markaana hadii aan illaa maanta xal la helin ay aadi doonaan Cadaado, ayna qabsanayaan doorashadii loo balamay.
Mudadii loo asteeyay in wada hadaladan la soo gaba gabeeyo ayaa shalay ku ekeyd, mana muuqato wax natiijo ah oo ka soo baxay wada hadaladan
Mas’uuliyiinta Ahlusuna ayaa la sheegay inay soo gudbiyeen shuruudo ay ka mid yihiin in xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug aan lagula tartamin, lana siiyo Xildhibaano, Wasiiro u cayiman iyo xilal kale.
Sidoo kale Ahlusuna ayaa dowladda Dhexe ka raba xilal kala duwna, sida Agaasimayaal, Safiiro iyo Saraakiil ciidan, waxaana Guddiga dowladda u matalaya wada hadaladan ay sheegeen in cida wada hadalka u socdo aanay aheyn Ahlusuna iyo dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa horay ugu heshiiyay in 30-ka bishan la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug, inta ka horeysay la bilaabo wada hadalo Ahlusuna looga qeyb gelinayo maamulka Galmudug.