Afhayeenkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/casiis Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa la sheegay in laga fariisiyay hawshii Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya kadib markii lagu war galiyay inuu joojiyo hawshii uu u hayay Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md, Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay amar ka soo baxay in shaqada looga fariisiyay Afhayeenkaasi, Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha C/laahi Xaamud ayaa ku soo war galiyay Afhayeenkaasi in la hakiyay hawshii uu ku magacawnaa, wuxuuna ku amray inuu ka baxo shir ay lahaayeen Golaha Wasiirada oo xiliigaasi ka socdey xarunta Villa Somalia.
Ilo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shegaya in xilka laga qaadi doono C/casiis Goobdoon oo haatan shaqo ka fariisin ku maqan,
Afhayeenkii Xukuumada ee imnika shaqada laga saarey ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa shaqadiisa la wareegay Wasiirka Warfaafinta oo la arkayay isaga oo qabanaya hawshii uu u xil saarnaa Afhayeenkaasi, Eng. Yariisow ayaa shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada ka warbixinayay.
C/casiis Cabdi Xaaji Goobdoon waxaa xilkaasi loo magaacabay 29-June 2016-kii, waxaana jagadaasi u doortey Ra’iisul wasaarihi waqtigaasi Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke, mgacaabistaasi ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Saxaafadda oo uu magac weyn ku dhex lahaa Aabbihiis Alle ha u naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon, kuwaasi oo ku farxay jagada loo ikmadey saaxiibkood.
C/casiis Goobdoon ayaa muddadii uu Afhayeenka ahaa wuxuu si Soomaalinimo ah uga soo dhaalaaley hawshii uu dusha ritey, waxaana lagu xasuustaa inuu saaxiib dhaw la ahaa Warfidiyeenka oo idil, wuxuuna ka caawin jirey sidii ay Xukuumada si dhaw ula shaqeyn lahaayeen.
Goobsan Media