Dad lasoo tarxiilay oo laga soo dejiyay garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde (sawir)

Waxaa goor dhoweed garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cadde laga soo dajiyay Dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyada Dalka kuufurta Suudaan, halinyaradaan ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 17 , waxaana lagu xiray Suudaanta Koonfureed ka dib markii lagu eedeeyay in ay tahriibayaan ahaayeen.

Soo deynta dhalinyaradaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Safaarada Soomaaliya ee dalka Suudaanta Koonfureed.
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jubba ayaa dhawaan Warbaahinta u sheegay in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo ku xiran Xabsiyadda dalka Suudaanta Koonfureed, ayakoona  Inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan xilliyadda ay tahriibayaan.