Taliyaha ciidamada asluubta S/Gaas Xuseen Xasan oo digniin culus u diray dadka degan xarumaha dowladda

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u dhisanaya xarumaha danta guud,isagoona sheegay in dadkaasi laga qaadi doono tilaabo waafaqsan Sharciga.

Waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu helo iyada oo dhisaneyso xarumaha ciidanka Asluubta lala xisaabtami doono.

taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan ay kormeeri doonaan xarumaha Ciidamada Asluubta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu bilaabay kormeeridda xarumihii ciidanka Asluubta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay dadaallada uu kaga hortagayo in la boobi dhulkii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

Sareeye Gaas Xuseen Xasan ayaa sheegay in warqad Feermo ah oo cadaynaysa in dhulkaas uu bixiyey madaxwyne Soomaaliyeed aysan jirin iyo waliba in aan dhulkaas wali wax bedel kale ah uusan jirin saas darteedna uu yahay dhul hanti Guud ah.

Waxa uu sheegay in dadka ka dhista xataa dabaqyo 10 biyaano ah aysan dhaafi doonin oo ay dumin doonaan waliba ay dagaal la gali doonaan haddi ay ku adkeystaan waxa uu sheegay in dhulkaas aan marnaba laga maarmi doonin muhiimna u yahay Dowladda iyo Ciidanka asluubta Soomaaliyeed.