9 askari oo ka tirsan Ciidamadda Militeriga Soomaaliyeed ee Puntland ayaa geeriyooday ka dib markii baabuurkii ay wateen ay la kacday bombo lagu aasay wado dhinaceeda degaanka Galgala ee Puntland, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo kale
Taliyaha booliska Galgala Gashaanle dhee Cabdiraxmaan Faarax Gurxan ayaa xaqiijiyay geerida askarta, wuxuuna sheegay in bambku uu bartilmaameedkiisu ahaa Gawaarida milateriga iyo ciidamadda ka howlgala aaga galgala ee dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Ma jirto ilaa iyo hadda Cid sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkaasi lagu dilay askarta, hase yeeshee Kooxda Al-shabaab ayaa ka howlgasha degaamadaasi oo muddo 7 sanno dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah kula jirtay Ciidamadda Puntland.
Goobsan Media