Dawladda Sweden ayaa maanta go’aamisey in baarlamaanka dalka ay horgeyso qorshe la rabo in ciidamo Iswiidhish ah oo gaaraya 135 qof Askeri loo diro xeebaha Somalia si ay uga qeyb qaataan hawlgalka ciidamada badda ururka midowga yurub (Atlanta) ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.
Hawlgalkaan ayaa gaar ahaan ku wajahan sidii burcad badeedka looga difaaci lahaa hawlgalka caawinta dadka gaajadu Soomaaliya ku haleeshey. kaas oo uu wado ururka qaramada midoobey u qaabilsan dhanka cuntada adduunka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano WFP.
Arrinkaan ayaa ahamiyad xoog leh u ah shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaro iyo gaajo ku habsatey.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobey ayaa dhawaantaan ku dhawaaqey in adduunka oo dhammi ay ka qeyb qaataan gurmad xoog leh oo ku wajahan sidii looga hortagi lahaa inay dad cusubi gaajo ugu dhintaan dalka Soomaliya.
Dawladda Sweden ayaa soo jeedisey in hawlgalkaan ay uga qeyb qaadato laba doonyood oo kuwa dagaalka ah, ayna saaran yihiin ciidan dhan 135 qof, wuxuuna ciidankaasi hawlgalkiisa bilaabi doonaa bisha september ee sanadkaan 2017-da.
©Goobsan Media