Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ayaa lagu lafa guray sidii loo dar dar galin lahaa howgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo dagaalo kula jiray dowlada Federaalka iyo iyo ciidamada AMISOM,
Kulankan ayaa looga arinsaday sidii guud ahaan dalka oo dhan looga bilaabi lahaa howlgalo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab.
Dhawaan ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federalka ay ku heshiiyeen qaab dhismeedka iyo isku dhafka ciidan qaran oo ay Somalia yeelato, lana hirgeliyo muddo lix bilood ah.
Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow oo Waraysi Siiyay idaacada Voa laanta Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa sheegay in dhawaan dalku yeelan doono ciidamo qaran oo si wadajir ah dalka uga howlgala,
Wareysi: Cabdiraxmaan Yariisow