Ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay muuqaalo ay ka duubeen weeraro toos ah oo ay ku qaadeen deegaanka Diif oo Saldhig Ciidan ay ku lahaayeen Maamulka jubbaland.
Waxa ay halkaas Alshabaab ku gubeen Saldhigii degmada iyo sidoo kale Agab yaalay Saldhiga inkastoo qasaaro uu jiray dhimashi ah hadana ma badneen.
Alshabaab waxa ay muuqaalka si toos ah ugu soo bandhigeen Nin ay ku sheegeen Gudoomiyahii hore ee deeganka diif kaas oo Xabsi ku jiray marka Saldhiga la weeraray halkaasna ay ugu tageen Xabsigana ay kala soo baxeen Wareysi kadibna ay si toos ah u toogteen.