Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in madaxda Ahlu suna ay dalab adag hor dhigeen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ku sugan magaaladaasi.
Madaxda Ahlu suna ayaa ka dalbaday Ra’iisal wasaare Kheyre inuu joojiyo ciidamada faraha badan ee Dhuusmareeb la keenayo, kuwaasoo ka imaanaya magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamadaasi ay dhaliyeen cabsi ku saabsan inay awoodda kala wareegaan xooggaga Ahlu suna.
Hoggaamiyaha Alhu suna Macalin Maxamuud, Guddoomiyaha Guddiga fulinta iyo madaxa xukuumadda Galmudug ayaa dalabkan gaarsiiyey Ra’iisal wasaare Kheyre, iyadoo weli aanu go’aan kasoo bixin Ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha la socda ee ku sugan Magaalada Dhuusamaareeb.
Kheyre ayaa dib u dhis ku bilaabay Gurigii madaxweyne Xaaf laga uu ka deganaa magaalada Dhuusamareeb, waxaana socday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku qulqulayey magaalada Dhuusamareeb, waxaana arrintan ay cabasi ku dhalisay madaxda Galmudug.
Xogta laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegeysa inuusan jirin warka ku saabsan in Ahlu suna ay ka baxday heshiiskii ay kula jirtay dowladda Somalia oo ay Kheyre ka dalbatay inuu ka baxo magaalada Dhuusamareeb.
Dhinaca kale xaalad ka dhalatay diiwaangelinta ciidamadii Ahlu suna ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ciidamo loo diiwaan geliyay saraakiil ahaan aysan helin mushaarkii ay filayeen.