Waqtiyadii u dambeeyay waxaa sii kordhayey qalabeynta iyo tayaynta xarumaha Dowladda gaar ahaan xarumaha muhiimka ah ayadoo markaana Qalab casri ah oo loogu talo galay in lagu baaro waxyaabaha dalka laga dhoofiyo iyo kuwa ka soo degaya laga hirgeliyey dekeda Muqdisho.
Waxaa qalabkan lagu magacaabaa (Port Scanning Service), waxaana dalka keentay shirkad lagu magacaabo M.T.C oo gaar loo leeyahay.
Qalabkan ayaa la sheegay inuu awood u leeyahay hubinta walxaha qarxa, hubinta badeecadaha ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya, kor u qaadista dakhliga canshuuraha iyo waxyaabo kale.
Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa sheegay in mashruucan ay meel marisay dowladii hore, uuna faaiido badan u leeyahay hubinta amaanka badeecadaha laga dhoofiyo iyo kuwa laga soo dejiyo dekeda.
Qalabkan ayaa awood u leh in kontaynarada oo xiran uu sheego waxaa ku dhex jira iyo tiradooda, sidoo kale waxa uu awood u leeyahay inuu cadeeyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada iyo hubka ee lagu qariyo badeecadaha saaran kontaynarada.
Tilaabadan ay Dowladda Soomaaliya qaaday ayaa ah mid kalsooni galineysa Ganacsatada Soomaaliyeed waxaana hubaal ah haddi danta guud si hufan looga shaqeeyo inuu dalka Soomaaliya uu gaari lahaa isku filnaasho amni iyo mid wax soosaar.