War goordhow kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii galabta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isagu jira Dhaawac iyo Dhimasho.
Afhayeenka Ciidanka Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa warfidiyeenadooda u sheegay in Qaraxaas ay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaas oo ay ku dileen Dad ay kamid yihiin Gudoomiyayaal degmo iyo Mas’uuliyiin kale.
Abuu Muscab ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa madaxa UN u jooga Soomaaliya James Swan, kaasoo halkaas uga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Eygeyga Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya ayaa la sheegay inuu goobta ka taagay Saacad ka hor inta uusan Weerarka Ismiidaamintu dhicin.