Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa hakaasi lagu dilay nabadoon ka mida salaadiinta Gobolkaasi.
Dilka ayaa waxaa geystay dabley hubeysan oo rasaas ooda uga qaaday Suldan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxman oo ka mida ahaa saladiinta gobolka Mudug, waxayna ka baxsadeen goobta kadib markii ay dileen.
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana la sheegay inaysan ku guuleysan qabashada raggii ka danbeeyay dilka Suldaanka oo ka mida dilal qorsheysan oo muddooyinkii danbe ka dhacayey Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.