Ciidanka Gal-Mudug Oo Qabtay Rag Lagu Tuhun-san Yahay Inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Ciidanka Maamulka Galmudug oo xalay hawlgalo ka sameeyay xaafado ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay rag lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Raggan ayaa mid ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb laga qabtay, isagoo ku hubeysnaa bastoolad, waxayna Ciidanka Galmudug ula dhaqaaqeen xarumaha amniga.

Ma cadda tirada dhabta ah ee ay Ciidanka Galmudug ku soo qab qabteen hawlgalada ay xalay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale Ciidanka Galmudug oo gacan ka helaya Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxaa saakay lagu arkaayay wadooyinka magaalada qaarkood, iyaga oo baaritaano marsiinaaya gaadiidka.

Hawlgalada laga sameeyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya, xilli shalay qarax dhimasho iyo dhaawacba sababay uu ka dhacay maqaaxi ku taala ka soo horjeedka Xarunta Inji.