Qarax mar kale ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Qarax labaad ayaa Goordhow jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magalada Dhuusamareeb oo isla Maanta uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo maanta siweyn looga dareemay Magaalada. Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb ,waxaana la sheegay in uu ahaa mid ay ciidamda Booliska qarxiyeen, kadib markii ay ka fureen qof uu ku xirnaa. Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka dwuan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.