Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Jabuuti kadib Casuumaad uu ka helay madaxweynaha Dalkaas Mudane Ismaciil Cumar Geelle,
Madaxweyne Kagame ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay gooraanka diyaaradaha ee magaalada Djabuuti, Wuxuuna Salaan Sharaf ka gudoomay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas,
Booqashada madaxweynaha Rwanda ayaa qaadan doonto mudo labo cisho, isagoo inta uu ku sugan yahay Jabuuti kulamo la qaadan doono Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadkii hore booqasho ku tegay Kigali ee dalka Rwanda, iyadoo xiriirka labada dal sii xoogeysanayay mudooyinkii u danbeeyay.
©Goobsan Media