Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre aya markale Magalada dhuusamareeb ka sheegay in doorasahda Madaxweynaha Galmudug ay ka dhaceyso Magaaladaas,isla markaana ay ku guuleysatay. Waxa uu sheegay in wadahadalladii uu u tegay deegaanada Galmudug iyo wadatashiyadii ay guuleysteen,isla markaana dadka Reer Galmudug ay yihiin kuwo jecel dowladnimkada,isla markaana uu ku amaanayo. “Maalmahan waxaan socdaal ku mareynay deegaano ka tirsan Galmudug,waxaana wadatashiydii aan la qaatay Madaxda & Bulshada Galmudug isla qaadanay in doorashada ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb,waxaana isugu tegi doona Dhuusamareeb Bulsho kala duwan si loo dhiso Galmudug mideysan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Habeen ka hor ayaa markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Dhuusamareeb ka sheegay in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Dhuusamareeb ayaa waxaa si cad uga soo horjeestay Odayaasha & Waxgaradka Magalada Cadaado,kuwaas oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu uga baxay balan uu la galay. Xaalada Galmudug ayaanan weli xasilin, iyada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre uu weli ku sugan yahay Magalada Dhuusamareeb,waxaana dadka Siyaasada falan qeeya ay sheegeen in xalka Galmudug uusan aheyn mid dhow.