Dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doonto shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay waddaan falal lidi ku ah Hanaanka dowladnimada Soomaaliya.
Warkaan ayaa kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaana lagu sheegay in dadkaasi si adag loola xisaabtami doono.
Warka laguma shaacin Magacyadda Shaqsiyaadka Soomaalida ah ee kasoo horjeedda Qadiyadda Soomaaliya.