Warar ka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee waddankaasi Maxamed Mursi uu ku dhintay maxkamad ku taala magaalada Qaahira.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in Maxamed Mursi xilliga uu dhintay uu ku sugnaa Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira.
Hey’ada Amnesty International ayaa dalbaneysa in si dhex dhexaad ah loo baaro waxyaabaha sababay geerida Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihi ugu horeeyay Masar ee si xor ah loo doortay.
Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururkii Akhwaanul Muslimiinka ayaa madaxweyne loo doortay sannakdii 2012-ka, hase yeeshee sannad kadib ayaa waxaa xukunka kala wareegay milatariga oo uu hoggaaminayey madaxweynaha xilligan Cabdulfataax Al-Siisi.
Qaar ka mid ah Madaxda Carbeed iyo kuwa Yurub ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi oo Maanta la xaiijiyay geeridiisa.