Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Isgoyka Sayidka Magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo xiray gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax,isla markaana waxaa uu qarxay xili uu marayay Isgoyksa Sayidka.
Qiiq iyo Uuro ayaa cirka isku shareertay,kadib markii qaraxa uu dhacay,taasi laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho .