Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday saaka in la xiray Sohdinta Gobolka Xeebta ah ee Lamu uu la wadaago Soomaaliya.
Warkan ayaa waxaa xaqiijiyay Saraakiisha amaanka ee Gobolka Lamu ee dalka Kenya iyaga oo sheegay in howlgallo ay ka billaabanayaan.
Ciidamada amaanka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah AL-shabaab isla saakaba ka billaabay degaannada sohdinta ku teedsan.
Saraakiisha Ciidankaas ayaa u sheegay dadka ku nool sohdinta in aysan wax ganacsi ah ka soo gudbin karin dhinaca SOomaaliya.
Waxaa kale oo dadka lagu amray in Hay’adaha amaanka iyo sirdoonkuba kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa xubno ka tirsan Al-shabaab oo la tuhunsanyahay in ay ku jiraan Gobolka Lamu.
Wargeyska DailyNation ee ka soo baxa Kenya ayaa warkan baahiyay waxyar ka hor.