Nin lagu eedeeyay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Saddex Dhalinyaro Kenyan ah oo Khamiistii la soo dhaafay la xiray ayaa maanta la soo taagay maxkamad, iyadoo lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin falalka argagixiso ee ka dhaca Nairobi.
Ibraahim Qaasim Faarax, Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xasan Muhammud ayaa waxaa xiray Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaano ATPU.
Sidoo kale Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka faalooda arrmaha Gobolka Bariga Afrika ayaa habeenimadii Arbacadii laga xiray gurigiisa oo ku yaalla Xaafada South C, kaddib markii ay u dhaceen Unugga Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee ATPU.
Afartan eedeysane oo maanta ka soo muuqday Maxkamadda Milimani ayaa Garsooraha uu dalbaday in lagu sii haayo afar cisho oo dheeraad ah, si baaritaanka loo dhameystiro, sida uu codsaday garsooraha.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in afartan ruux ay ku lug yeesheen is afgarad aan la garaneyn oo ku saabsan doorashooyinka guud ee Soomaaliya, sida uu qoray Telefishina Cityzentv.
Ibraahim Faarax ayaa lagu eedeeyay inuu heysto Baasaboor Jabuutiyaan ah, warqadaha doorashooyinka afar mobile iyo shahaado caalami ah iyo labo aqoonsi Kenyan ah