Dumarka ku dhaqan xaafad kamid ah Muqdisho oo la faray in ay xirtaan dhar wanaagsan.

Ciidamo dhar cad ah oo dadka degaanka ay u maleeyeen Alshabaab ayaa bilaabay in ay Dumarka u sheegaan in ay is asturaan oo ay xirtaan Dharka wanaagsan oo aan soo muujineen jirkooda.

Alshabaab ayaa lagu yaqaana in ay Dumarka ku cadaadi jireen Xirashada Dharka Adag oo asturaya jirkooda balse in mudo ah amarkoodu kama uusan socon degmooyinka Warta Nabada iyo Howlwadaag balse markan ayay bilaabeen in ay si toos ah oo fool ka fool ugu tagaan Hablaha xirta dharka qafiifka ah iyo kuwa inta badan ku sheekeysta Meelaha aan munaasibka ahayn.

Mid kamid ah Gabdhaha ay ragaan ka tirsan Alshabaabku u tageen aya la sheegay in ay ula soo baxeen Bistoolad ayna fareen in ay Is asturto.

Meelaha ay ragaan inta badan ka fuliyeen awaamiirtan cusub ayaa ah xaafadaha ku xeeraan Suuqa Bakaaraha.