Madaxweynaha Jubbland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo maanta booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Mareykanka ee u fadhiya Soomaaliya oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay doorashada la filayo in ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman, isagoona balanqaaday inay taageero Ku bixin doono doorashooyinka.