Sida lagu daabacay Wargeyska Aftonpladet, Dowlada Dalka Denmark ayaa wada Qorsho ay Qasab ugu Celineyso Qaxooti kasoo jeeda Dalka Suudaan kuwaasi oo si magangalyo ah ku joogay Dalkaas.
Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Denmark ayaa lagu wadaa in uu Safar ku tago Dalka Suudaan si uu ugala Hadlo Milatariga Dalkaasi qabsaday in Qaxootiga Ku sugan Denmark loo Celinayo Dalkooda.
Sida Dowlada ay sheegtay Dadka La Celinayo ayaa ka kooban Afar qofood kuwaasi oo Denmark weediistay Magangalyo Xiligii Madaxweyne Cumar Al-bashiir inkastoo laga diiday Codsigooda Qaxootinimo.
Dalka Denmark ayaa kamid ah Wadamada Midowga Yurub kuwaasi oo celiya Qaxootiga kasoo jeeda Africa ee diidmada la siiyay.
© Goobsan Media Inc