Itoobiya oo raali galin ka bbixisay Qariirad si qaldan loo daabacay

Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay inay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ay sheegtay inay muujinaysay khaladaad.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopiaayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid “qalad ah oo aan la aqbali karin”.

Ethiopia waxay sheegtay in isla markii ay ogaatayba ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Ethiopia waxay sheegtay inay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay.

Waxaa kaloo khariiradda ka maqnaa Suudan-ta Koonfureed iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika.