Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlado Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xashi Cabdi. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray abaaraha ka taagan dalka, dib u habaynta hannaanka guud ee heerarka kala duwan ee hay’adaha amniga Qaranka, la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah iyo dhammaan ururrada aragagixisada caalamiga ah. Waxaa kale oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlado Goboleedyada. 1. Madaxda ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, keentayna barakac baahsan. 11. Madaxdu waxa ay isku raaceen in kor loo qaado koboca dhaqaalaha, dakhliga, Shaqa abuurka, dhiirri-gelinta maalgashiga iyo ganacsiga iyo weliba horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. 12. Madaxdu waxaa kale oo ay isku raaceen in muhiimad gaar ah la siiyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyada oo loo adeegsanayo habab casri ah oo lagu cirib tirayo. 14. Madaxdu waxa ay rajaynaysaa in beesha caalamku taageeraan go’aamada iyo qorsheyaasha ay dawladda Soomaaliya mudnaanta gaarka ah siinayso. 15. Ugu dambayn, waxa ay madaxdu uga mahadcelinaysaa beesha caalamka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay umadda Soomaaliyeed.
|