Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay mar uu ka hadlaaye kulankii u dhaxeeye maamul goboleedyada iyo Dowladda federalka ee Soomaaliya ayuu ku nuuxnuuxsaday doorka ay kala qayb qadan doonaan dowladaha caalamka asagoo sheegay in ay xil iska saari doonaan dhanka xariirinta iyo dowlad wanaaga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in DFS ay wanaajin doonto dhammaan dowladaha doonaaya inay xiriir la sameeyan Somalia, balse waxa uu cadeeyay in xiriirka uusan qeyb ka noqon doonin inay faragaliyaan arrimaha Somalia.
Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladiisu ay ku raali noqon doonto wax waliba oo ay raali ku yihiin shacabka Soomaaliyeed, oo ku xeeran midnimada iyo iskaashiga.
Dowladaha qaar ayuu sheegay inaysan raali ka aheyn Somalia oo xor ah, balse dowlada Somalia ay ka fiirsan doonto cidda ay la yeelaneyso xiriirka.
Madaxweynaha Qaranka ayaa mugdiga ka saaray in DFS ay u jilicsan tahay Siyaasada reer galbeedka waxa uuna cadeeyay inaysan dooneynin cida aan dooneynin wanaaga Somalia.
Madaxweynaha ayaa dhawaan sheegay in adduunka uu aad u daneynaayo Siyaasad iyo Dimuquraadiyad ka dhaqan gashaa Somalia.