Ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho oo dagaal qasaaro gaystay dhex maray

Tiro kamid ah Ciidamada Uganda ee ku sugan Somalia islamarkaana qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa isku rasaaseeyey magaalada Muqdisho.

Israsaaseynta askartan ayaa sabtidii ka dhacday gudaha xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee Amisom ay ku leedahay Somalia.

Sida uu daabacay wargeyska Daily Monitor oo kasoo baxo dalka Uganda israsaaseynta Askartan waxa ay ka dhalatay dil uu mid kamid ah askarta u geystay taliyihiisa, Askariga dilka geystay ayaa isna istoogtay waxaana uu wargeysku sheegay in ilaa iyo 4 askari ay ku nafwaayeen shaqaaqadii sabtida.

Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ee ku sugan Somalia Brig Richard Karemire ayaa xaqiijiyey israsaaseynta dhex martay askarta waxa uuna sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan sababta dhalisay israsaaseynta.

“Ujeedada weli lama yaqaan. Waxaan dooneynaa inaan ogaanno waxa dhaliyey shilkan” ayuu yiri Brig Karimire oo qadka Telephone-ka kula hadlay wargeyska Daily Monitor.

Ciidamada Uganda ayaa ah ciidamadii ugu horeeyey ee magaca Amisom uga howlgala Somalia, sidoo kale waa ciidamada ugu tirada badan howlgalka Amisom ee Somalia waxaana Somalia ku sugan in ka badan 5000 askari oo kasoo jeedo dalka Uganda.