Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weli waxaa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose,kuwaas oo qaarkood laga saaray Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa howlgalkooda waxa ay inta badan ka wadaan inta u dhaxeysa deegaanada Bariire iyo Nambar 50, halkaas oo saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay ka saareen miinooyin ay geliyeen Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas uu yahay mid looga gol leeyahay in lagula dagaalamo Al-Shabaab,isla markaana looga hortago miinooyin ay ku aaseen wadooyin ka mid ah kuwa Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka saakay laga helayo Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in weli ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,isla markaana,iyaga oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo wadada u dhaxeysa deegaanada Bariire iyo Nambar 50 ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Tan iyo markii Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay la wareegeen deegaanka Bariire ayaa waxaa ay wadeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan,iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulmaya Al-Shabaab,isla markaana ay wada dagaalameen.