Kiiska Ca’isha ilyaas oo maanta go’aan laga gaarayo

Shalay oo sabti aheyd ayaa Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal waxaa la horkeenay 10 Eedeysane oo loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaishoi ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar oo ku nooleyd Magaalada Gaalkacyo.

Waa markii labaad ee la furo kiiska dacwada loo heysto 10-ka eedeysane hadana aan waxa go’aan ah laga gaarin,hayeeshee Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in Go’aan laga gaaro kiiskaas.

Guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland ayaa amray in ay maxkamadda hor-yimaadan madaxda xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay sharraxaad buuxda uga bixiyaan caddaymaha ay ku heleen eedaysanayaasha laga qaaday dheecaannada hidda-sidaha DNA ee loo adeegsaday baarista kiiskan.

Dhinaca kale xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa ku dooday in mas’uuliyiinta shirkadda Forensic Lab kaliya lagu wareysan karo kulan ay albaabada u xiran yihiin oo dadweynaha ka xiran.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa isha ku haya kiiska Caaisho Ilyaas Aadan oo bishii Feberaayo ee sanadkaan 2019 kufsi iyo dil arxandaro ah loogu geystay Magalada Gaalkacyo iyo Go’aanka Maxkamada ay Maanta ka gaari doonto.