DEG DEG: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo is-casilay


Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkaas iska casilay.

Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA laanteeda Af-soomaaliga ah.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.