Turkey: Goobihii doorashada oo la soo xiray iyo tirinta codadkii aftida oo bilaabatay

Waxaa goor dhaw la soo xiray goobihii codbixinta dalka Turkiga kadib markii maanta dadka dalkaasi u dareereen aftida wax ka badalka dastuurka dalkaas, si dalka uu ugu wareego nidaamka madaxtooyada.

Natiijada hordhaca ah ayaa la filayaa in isla caawaba la helo, iyada oo haatan ay socoto tirinta codadka, waxaana warbaahintu ay sheegaysaa in la tiriyey kala badh codadkii la dhiibtay.

Aftidan ayaa u dhexeysa xisbiga madaxweyne Erdogan oo horkacaya isbedelada cusub ee dastuuriga ah, kuwaas oo shacabka uga raadinaya ogolaansho halka xisbiyo badan oo mucaarad ahina ay aad uga soo horjeedaan.

Waa go’aankii ugu saamaynta badnaa ee shacabkaas la weydiiyo tan iyo wixii ka dambeeyey aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga, 84 sano ka hor.

©Goobsan  Media