Ciidamada Dowladda Oo Toogtay Mid Ka Mid Ah Rag Hoobiyayaal Ku Tuuray Wadajir

Wararka aynu ka heleyno degmada Wadajir,ayaa sheegaya in ciidmada dowladda ay dileen mid ka mid ah rag hoobiyayaal ku tuuray qeyba ka mid ah degmadaas, waxaana sidookale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaarigii ay wateen kooxdaas.

Ciidamada dowladda ayaa wali howgal ballaaran ka wada degmada Wadajir, iyadoo la sheegayo in laba ka tirsan ragaas ay gudahha u galeen guri ay daganaayeen dad shacab ah, iyadoo la soo warinayo inay ku hareereysanyihiin ciidamada amaanka.

Wasiirka aminga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo saraakiil ciidan ayaa tagay goobta, iyadoo laga helayo halkaasi, warar kala duwan, inkastoo uu socdo howlgalka.