Warar Sheegaya in Doorashadii KGS Baaqatay, Baarlamankii-na Lakala Diray!

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KGM ah ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in jahwareer siyaasadeed ay magaaladda wajahayso xiligaan,kadib markii xalay ay is-casileen xubnihii Guddiga doorashadda.

Guddiga ayaa ku eedeyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay faragalin ku hayso doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,islamarkaana Musharixiin ay wadato ay kasoo dirtay Magaaladda Muqdisho.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu ku dhawaaqi doono maanta inuu kala diray baarlamanakii Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu eedeen u jeedin doono Dowlada Dhexe ee Soomaaliya oo ku aadan Faragalin ay ku hayso doorashadda madaxweynaha maamulkaas.