Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Maanta shir Guddoomiyahay kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen dowladda Fedaraalka iyo hogaamiyeyaasha Dowlad Gobaleedyada hoosyimaada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Shirka ayaa Waxaa Ka Qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Cawali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.
Kulanka Ayaa looga arrinsanayaa sidoo loo Xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda Fedaraalka Iyo Dowlad Gobaleedyada iyo dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu ku baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulaahi Farmaajo.
Gunaanadka Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobada ugu muhiimsan ee sida gaarka ay isugu afgartaan madaxda Dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada.