Askar Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo Gurigiisa ku dilay Sheekh Caan ka ahaa Gobolka Sh/ Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamo Somali iyo Ajnabi ah ay gurigiisa ku weerrareen kuna dileen Sheekh caan ka ahaa degmada Wanla-weyn.

Weerarkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, markii ay ciidamadan loo maleynayo inay yihiin Mareykan iyo kumaadooska Somalia ay u dhaceen, kuna dileen gurigiisa Sheekha oo lagu magacaabi jiray macalim Nuur Cismaan Bilaal.

Dadka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in Sheekha uu ahaa nin si weyn looga yaqaan degaanka  oo tafsiirka Qur,aanka iyo Cilmiga Diinta Islaamka ka akhrin jiray Masjid ku yaalla degmadaaso, iyado aan la ogeyn sababta loo khaarijiyey.

Dadka degmada Wanlaweyn  ayaa si weyn uga naxay dilka Sheekha, mana jirto wax war oo ka soo baxay ciidamada Soomaaliya, iyo kuwa la socday ee  Caddaanka ahaa.