Qarax xoog leh ayaa laga maqlay goor dhoweyd magaalada Muqdisho, iyadoo qeybo badan oo ka tirsan magaalada laga dareemay qaraxaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, halka warar kale sheegayaan in qaraxu ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaraxan oo goor dhow dhacay, iyadoo weli aysan xaaladdu kala caddeyn.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..