Xasan Sheekh Oo Guddoomiye KMG u Noqday Xisbi Heysta Awood ku Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dhisay xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo ah xisbi ay ku mideysan yihiin in ka badan 80 xildhibaan oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waa xisbiga xilligan heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka ah, waxaa kale oo xisbiga ku jira siyaasiyiin iyo dad bulshada magac ku leh.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo sidoo kale dastuurkiisa la ansixiyey ayaa loo doortay guddoomiye KMG ah, waxaana si rasmi ah loo shaacin-doonaa khamiista soo socota.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa loo doortay guddoomiye KMG ah 6-da bil ee soo socota, iyada oo lagu wado bisha 3aad ee 2019-ka in la qabto shirweyne qaran oo ay ka soo qeyb gali-doonaan xubnaha xisbiga dal iyo dibad, lagu dooran doono madaxda xisbiga.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in laga soo tagay axsaabtii iyo kutlooyinkii ay siyaasiyiintan horay uga tirsanaayeen sida Daljir, Peace and Development Party (PDP) iyo Kutlada Horusocod.

Xisbigan Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo hadda isaga oo weyn dhashay ayaa lagu wadaa inuu dagaal u galo sidii uu u heli lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka ee doorashada 2020-ka.