Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dilal kala duwan ay ka dhaceen saaka laba ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dilka hore ayaa ka dahcay agagaarka dalcadda Cabdi Qaasim ee Degmada Hodan, iyadoo halkaasi ay koox hubeysan ku toogteen nin la sheegay inuu u shaqeeyo mid ka mida shirkadaha bixiya addeega Internet-ka.
Kooxdii dilka gaysatay ayaa la sheegay inay degdeg uga baxsadeen goobta, waxaana markii dambe halkaasi tegay ciidamada amniga oo ka qaaday maydka qofka la dilay oo aha nin meel dhexaad ah.
Dhinaca kale waxaa saaka dil ka dhacay Xaafadda Baar Ubax, gaar ahaan Masjidka Xareed dhinaca suuqa bakaaraha, waxayna dadka goobjooga ah sheegeen in halkaasi lagu dilay nin dhalinyaro ah oo koox bistoolado wata ay toogteen.
Dilka ninkan ayaa la sheegay inay geysteen kooxdan oo ahayd burcad dooneysay inay ka dhacaan Taleefan Mobile ah oo uu watay.
xaafadan maanta Burcada wax ku dishay ayaa ah meel aad ay u isticmaalaan dadka soo gala Suuqa bakaaraha iyo kuwa ka baxa waxaana jidka u gala Burcad hubeysan oo dhac iyo dil u gaysta dadka Shacabka ah ayadoona la sheegay Burcadu in ay yihiin kuwa meel aan ka fogeen kasoo duulaan mana jirto Ciidamo iyo dad wax garad ah oo ka hortaga falalkaas foosha xun oo maalin walba lagula kaco dadka rayidka ah.