Al-shabaab oo Weerarkii ugu Cuslaa Caawa kusoo qaaday Qoryooley

Wararka laga helayo magaalada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in dagaal culus ay Caawa magaaladaasi ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab oo dhowr jiho kasoo galay.

Weerarka Alshabaab ayaa bilowday 8:30 Caawa isagoo muddo saacado ah socday, isla markaana dhowr jeer ay labada dhinac isku laabteen, waxaana markii hore la sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay gudaha u galeen magaalada Qoryooley.

Dagaalka ayaa ku bilowday qaraxyo, kadibna waxaa xigay rasaas is qabsatay oo magaalada hareysay, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab uu dagaal culus ku dhex maray gudaha iyo duleedka magaalada, waxaana markii danbe Alshabaab laga saaray magaalada.

Dadka degaanka ayaa soo weriyay in gudaha magaalada lagu arkay meydadka 7 ka mida maleeshiyada Alshabaab oo ku dhintay dagaalkii caawa oo goor dhoweyd soo gaaray, iyadoo dagaalka uu ka socdo dhinaca galbeed ee magaalada oo Alshabaab looga saaray.

Maxamed Cabdi Gaashaanle  guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Qoryooley ayaa sheegay in dagaalka caawa ay Alshabaab ku qaadeen degmada Qoryooley uu ahaa kii ugu weynaa ee ay ku soo qaadaan.