Waxaan soo gudbineynaa Warar soo baxaayay Saacaddihii lasoo dhaafay ,kuwaasoo sheegaayay in haweenay ay isku dishay Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.
Ehelada Haweenayda Isdishay oo ay Risaala la xariirtay ayaa u xaqiijiyay dhacdadaan in ay jirto, islamarkaana ay isdishay Haweenay lagu Magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Raage oo hal cunug Ifkaga tagtay.
Dadka Ehelka la ah Gabadha dhimatay waxa ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay uu ku furnaa Buuq ka dib xoog looga qaatay gabadh ay u dhashay ninkii ay kala tageen.
Sababta ay Isku dishay ayaa la sheegay in aysan aheyn sidda loo dhigaayo oo ah nin loo diiday in ay guursato nin ay jecleyd, laakiin xaqiiqda in ay tahay in ay isku dishay Caro kala dhalatay gabadha yar ee sidda xoogga ah looga qaatay.
Dhacdadaan ayaa ah mid xanuun badan oo ay aad uga naxeen dadka degaanka, waxaana la sheegay kahor inta aysan Cabin sunta in ay soo weesaqaadatay, kadibna ay Salaad tukatay sidaasna ay sunta ku cabtay.
Dhacdadaan ayaa saacaddihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshadda xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhacaayeen dhacdooyin argagax leh.