Home Somali News Maxay tahay Sababta Madaxweyne Farmaajo uu u saxiixi la’yahay Xukunada dil toogashada...

Maxay tahay Sababta Madaxweyne Farmaajo uu u saxiixi la’yahay Xukunada dil toogashada ah

Fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo mara heerar kala duwan ,iyadoona marka ugu dambeysa laga doonaayo in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaano ku dhow 50 ayaa dhawaan ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu diiday in uu saxiixo fulinta xukun lagu riday Askari horay u dilay Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Soo ifbixidda in uusan Madaxweyne Farmaajo saxiixin fulinta xukunadda dilka ah ee ay riday Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo ifbaxday Markii Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyadda iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay shaaciyeen in ay arintaasi la xariirto Madaxweyne Farmaajo oo heysta dhalashadda Mareykanka, islamarkaana hadii saxiixo in uu la kulmi karo qabad kaga timaada dhanka dalka labaad ee uu dhalashadda ka heysto ,Maadaama aan laga ogoleyn xukunada dilka ah.