Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda.
Dabley hubeysan ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal.
Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday.
Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo ammaankeeda aad loo adkeeyo, sidoo kalena aanan loo ogoleyn inuu gudaha u galo qof aanan wadan aqoonsi.
Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, ardayda xiisadaha u doontay Jaamacadda ayaa la soo fasaxay.