Wararka laga helayo Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Xildhibanno gaaraya 23 Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshin Gole soo joojin ah oo lagu dalabaday inuu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda horyimaado Baarlamaanka, waxaana Moosghinkaasi qabtay Guddoonka Golaha Shacabka.
Arrintan ayaa ka danbeysay dood saddex maalmood qaadatay oo xildhibaannada Baarlamaanka ay uga doodeen amniga dalka, iyadoo qaar ka mida xildhibaannada ay dalbadeen inuu is casilo Ra’iisal wasaare Kheyre.
Xildhibaannada mucaaradka ayaa guul weyn u arka inay soo gole joojiyaan Ra’iisal wasaare Khayre oo Baarlamaanka hortiisa ay su’aalo adag ku weydiiyaan.