Faah-faahin: Shabaab oo Weeraray Degmadda Afgooye

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saakay weerar ku qaaday Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay Inoo xaqiijiyeen dadka degmadda ku sugan,weerarkaan ayaa dhacay xili dadka ay isu diyaarinayeen Salaadda Subax.

Dhawaqa rasaasta xoogan ee ay isku adeegsanayeen ciidanka dowladda, iyo Al-shabaab ayaa si weyn loogu maqlayay gudaha Degmadda afgooye.

Al-Shabaab ayaa weerarkaan ku qaaday saldhiga ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin aagga Buulo Fooliyo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacad socday.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay  Degmadda Afgooye.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Afgooye aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in weerarkaan uusan geysanin khasaare sidaas u abuuran,islamarkaana Ciidamadda Dowladda ay wali ku sugan yihiin Degmadda.

Dhanka kale Ciidamdda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay baaritaano kawada Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.